Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dalka Finland Uqaabilsan Somaliya
May 21, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa kulan la yeeshay Nelli Mikkola oo ah Danjire-ku-xigeenka Dawladda Finland ee qaabilsan arrimaha Soomaalida.
Kulanka waxa laga wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xagga adkaynta nabadaynta, horumarka bulshada iyo adkaynta mabaadi’da dawlad wanaagga.
Danjire-ku-xigeen Nelli Mikkola, iyaduna dhinaceeda waxa ay Madaxweynaha JSL ku bogaadisay doorashooyinkii quruxda badnaa iyo qaabka wacan ee Xukunka loola kala wareegay.
Danjiraha Finland waxay Madaxweyne Cirro ku ammaantay masuuliyadda ee ay Xukuumadiisa u waajahday arrimaha nabadda iyo xasilinta xiisadaha.