Doon Kaluumaysi Iyo 27 Shaqaale Yemeniyiin Ah oo Lagu Afduubtay Xeebaha Putland Lacag Madax Furasho Ahna Laga Doonayo
May 28, 2025 - Written by admin
Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in koox hubeysan oo Soomaali ah ay afduubteen doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Al-Maimoun 1, taas oo ay saarnaayeen 27 kalluumeysato reer Yemen ah, xilli ay ku sugnaayeen badda u dhow Raas Binna. Doonta iyo shaqaalahaba waxaa loo qaaday deegaanka Baargaal ee Soomaaliya.
Kooxda afduubka geysatay ayaa dalbaday madax furasho lacageed oo markii hore ahayd $120,000, taas oo laga dhigay $50,000, sida uu xaqiijiyay mulkiilaha doonta, Sheekh Fawzi Ka’eeti.
Kalluumeysatada la afduubtay waxay wateen rukhsad rasmi ah, waxaana dhacdadan loo arkaa sida ay warbaahintu sheegtay afduub iyo budhcad badeednimo.