berberatoday.com
Aqoonyahan Dr Jamaal Cali Xuseen oo Doorkuu Ku Lahaa Furitaanka Safaarada Somaliland ee Kenya
June 1, 2025 - Written by admin
“Xafiiska dhismaha cusub ee loo raray Wakiilka Somaliland ee magaaladda Nairobi ee waddanka Kenya furitaankiisa waan bogaadinayaa waana kolay sharaf iyo wanaag u soo kordhay shacabka Somaliland. Kolay xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyey mid weliba meeqaamka xafiiska wax bay ku soo kordhinaysay. Waxaa heer diblomaasiyadeed bilaabay madaxweyne Cigaal ilaahay haw naxariistee oo 1995 kii la kulmay madaxweynihii Kenya xilligaasi ee Dabiel Arap Moi.
Waxaa inay Somaliland xafiis ku yeelato Kenya la bilaabay 2006 dii oo waftigii madaxweyne Riyaale oo booqasho rasmiya ku tegay Kenya Bishii June ee sanadkaasi 2006 dii. Anigu xiligaasi waxaan ku noolaa magaaladda Nairobi ee Kenya oo aan ka shaqeyn jiray ahaana madaxa Baanka Maraykanka ah ee Citibank. Kolay aniga iyo dad kale waxaanu ka mid ahayn dadkii udub dhexaadka ahaa ka shaqeeyay safarkaa madaxweynaha iyo balamihii uu ku lahaa waddankaasi maadama aanay Somaliland xilligaasi aanay ku lahayn xafiis rasmiya. Madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu booqasho rasmiya ku yimid wadanka oo uu kula kulmay madaxweynihii Kenya Kibaki. Xafiiskayga ayaan waraaqdii balanta madaxweynaha Kenya ugaga soo diray fax oo ahayd aaladdii berigaa la adeegsan jiray oon u soo diray madaxtooyadda Somaliland aniga iyo Wasiir Cawil oo wada fadhina oo waftiga ka soo horeeyey.
Waxaan ka mid ahaa dadkii gooni ula baxay madaxweyne Riyaale ee u soo jeediyey in xafiis laga sameeyo Kenya waxaana ila socday Saleebaan Jirde oo United Nationska xilligaasi u shaqayn jiray. Weliba waxaanu u keenay ninkii aanu u aragnay Community ahaan inuu mateli karo oo ahaa Ilaahay haw naxariistee Ambassador Maxamed Nuur Indho-buur. Madaxweynuhu wuu naga aqbalay halkaasayna markii ugu horeeysay Somaliland xafiis rasmiya oo wakiil ku yeelatay waddanka Kiiniya. Safarkaasi madaxweyne Riyaale shan waddan oo kalena oo Africa wuu ku soo maray waxaana diyaaradiisii ku qaaday Korneyl Faarax. Dadkii asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ee Kenya ku noolaa waxba kamay hakran sida imikaba ka muuqata safarkan madaxweyne Cirro.
Madaxweynayaashii ka danbeeyey Riyaale iyaguna xafiiskii Kenya way sii balaadhiyeen oo shaqaale kalena waa ku soo dareen. Imikana waakaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro xarun cusub xadhiga uga jaray. Waa Ilaahay mahaddii wax badan baa u soo qabsoomay Somaliland, wax badana waa u dhiman yihiin kolay laakiin ha la ogaado weli maaha Somaliland waddan la aqoonsan yahay, cidna laguma eedayn karo ee waa masuuliyad ummadda iyo madaxdoo dhan dusha ka saaran, uma baahna xag-xagasho iyo weliba inaynu is hanbalyeeyno shaqo adag baa kuli ina wadda sugaysa gaar ahaan kuwa xilalka loo dhiibay. Waa sax in dhexdeena lays mucaarido laakiin waa kolka safarku soo dhamaado ee lays qiimeeyo. Kolay qolooyinka xilka hayaana in la saxo ha ogolaadaan, kuwa mucaaridkuna kolkuu safarku soo dhamaado qiimeyn ha ku sameeyaan.
Wa bilaahi Tawfiiq
Waxa Qoray Aqoonyahan Dr Jamaal Cali Xuseen
May be an image of 1 person and text that says 'ម US 戰神肌物 "Wax badan baa U soo qabsoomay Somaliland, wax badana waa U dhiman yihiin, laakiin weli maaha waddan la aqoonsan yahay" Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen WARARKA SAAB TV'

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews