berberatoday.com
Wiil Tahriibe Somaliya oo Mudo 10 maalmooda Bada Ku Cadilaa oo Qiso Cajiiba Ka Qoray Dhacdada uu La kulmay
June 7, 2025 - Written by admin
Qoraalkan waxa qoray Maxamuud Axmed Maxamed, oo ka mid ahaa dhallinyaro Tahriibay oo muddo 10 maalmood ah badda ku jiray.
Akhri
Xusuus qor yar iyo hambalyo ciideed.
Bismillaah.
Kadib safar badeed oo igu dheeraaday muddo 10 cisho ah anigoo xaalad adag ku jiray waxaan maanta si rasmi ah u caddeynayaa in aan nabad ku soo laabtay, waana mahad Eebe weyne. Waa waqti aan u muuqday mid kooban, balse miisaankiisu ahaa mid nolosha inteeda kale saameyn ku reebaya.
Waan safray – dhul aan u arkayey badbaado, nolol, iyo iftiin. Waxaan ka baxay Algeria anigoo dhab u rumeysan in maalinta xigta aan gaarayo Spain, halkaas oo aan nolosha cusub ka bilaabi lahaa. Laakiin safarkaasi wuxuu isu beddelay masiibo aanan marnaba illoobi karin.
Maalin keliya ayaan qorsheeyey balse toban maalmood iyo gelin ayaan badda ku go’doonsanaa – meel biyuhu mar walba sare u kacayaan, qalbigaaguna mar walba hoos u dhacayo. Markii uu motorkii doontu naga xumaaday, waxaan fahmay in aanan gacanta ku hayn mustaqbalkeyga. Ma jiro waddo aad u ordi karto marka baddu ay kugu hareeraysan tahay, mana jiro cid kuu yeereysa marka aad qaylinayso bad dhexdeeda.
Cunno la’aan, biyo la’aan, hurdo la’aan, iyo rajo la’aan… Qofka bani’aadamka ah wuxuu leeyahay xuduud uu ka adkeysan karo – aniguna waxaan taagnaa meel xadkaas ka baxsan. Habayn mugdi ah iyo maalintii qorraxdu kulushahay waxay noqdeen kuwa isku mid ah. Geeridu waxay u muuqatay mid nalka ka dhow, noloshuna waxay noqotay sheeko aad is leedahay: “Ma anaa wali nool?”
Intii aan doonta saarnaa, mid mid ayaa wajiyada naga libdheen – Qaar waxay indhahooda ka shubeen ilmo, qaar kale waxay bilaabeen inay Ilaah u baryaan si ay dhimasho u helaan halkii ay xanuunkan sii mari lahaayeen. Markii biyo naga dhammaadeen, waxaan baranay micnaha dhabta ah ee erayga “harraad.” Harraad aan lahayn af loo cabbiro.
Tahriibku ma aha safar lagu raaxeysto – waa dookh xanuun badan oo laga qaato dhaawacyo aan muuqan. Waa safar qofka maskaxdiisa ku reeba mahadho anan go’ayn.
Kolkaan Algeria ka baxayey, waxaan aaminsanaa in noloshu ay tahay meel kale – meel ka baxsan dalkeyga. Waxaan u maleyn jiray in farxaddu ay ku jirto meel fog, in noloshu ay la jaanqaaddo meelaha la dhaho horumar baa yaal.
Laakiin markii aan badda galay oo aan ku dhex go’doonsanaa toban maalmood, fahamkeygii wuu is beddelay. Waxa aan u arkayey fursad nololeed wuxuu isu beddelay halis aan xuduud lahayn. Waxaan arkay geerida hortayda joogta, waxaan dhadhansaday rajo-beel aan la hadli karin, waxaan dareemay qiimaha dhabta ah ee neefta nolosha.
Safarkaasi wuxuu furay indhahaygii. Wuxuu i baray in noloshu aysan ku qiimeysneyn halka aad joogto, balse ay ku jirto sida aad u aragto waxa aad haysato. Waxaan bartay in mararka qaar, waxaad raadineyso meel fog, ay agtaada yaallaan—laakiin aad u indho la’dahay.
Waxaan ku faraxsanahay wacyi ahaan inaan is bedelay. Ma maanta ayaan gaaray halkii aan rabo? Maya. Laakiin maanta waxaan haystaa faham aanan hore u haysan – waxaan ogahay qiimaha nafta, waxaan ogahay halista riyo aan la miisaamin, waxaan ogahay in nolosha runta ah aysan ahayn in laga cararo, balse in la dhiso. Waxaan ogahay in mahad-naqa, is-jacaylka, iyo ducadu ay yihiin wax yaabaha ugu qiima badan ee lagu noolaado.
Intii aan maqnaa, qoyskeyga, asxaabteyda, iyo dad badan oo naxariis iyo damqasho ii muujiyay ayaa maalmo mugdi ah ku sugnaa. Waxaan dareemay awoodda ducada, qiimaha qoyska, iyo jacaylka asxaabta dhabta ah.
Waxaan si gaar ah u ugu mahadcelinayaa Ilaahay (SW) oo igu galladaystay badbaado iyo soo laabasho. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa qoyskeyga, asxaabteyda, iyo dhammaan dadka iga walaacay, ii duceeyay, i xusuustay, iyo kuwa ii huray waqtigooda si ay war iiga helaan. Taageeradiinna iyo ducadiinna waxay ahayd nal igu iftiimay mugdiga aan ku jiray. Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, Ilaahay ha idinka abaaliyo dadaalka iyo ducadiina.
Ciidul-Carrafo Mubaarik.عيد مبارك، كل عام وأنتِ بخير
أسأل الله أن يجعل أيامكِ سعادة، وعمركِ بركة، وقلبكِ طمأنينة.
تقبّل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وجعل عيدكم فرحاً دائماً ورضى لا ينقطع.
Qoyskeyga qaaliga ah iyo asxaabtayda aan jecelahay, waxaan idiin rajeynayaa farxad, caafimaad, iyo cibaado la aqbalo.
Ilaahay ha idiinka dhigo kuwa ducadooda la aqbalo, quluubtooda la xasiliyo, dunuubtooda la dhaafo, noloshoodana la barakeeyo.
Ciid wanaagsan mar labaad, Eebbe ciiddan ciideeda farxad, caafimaad iyo nabad ha inagu gaadhsiiyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews