Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
𝐀𝐣𝐞𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:
𝟏. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab.
𝟐. Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan.
𝟑. Warbixinta Dhoofka Xoolaha iyo wax-ka-beddelka Qaabka ay Xooluhu u maraan dhoofka iyo sidii loo tayeyn lahaa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed
𝟒. Warbixinta Barnaamijka DALJIR oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan.
𝟓. Ka-hortagga iyo yaraynta Shilalka Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada: Waxa ka war bixiyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasiirradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab).
𝟔. Warbixinta Xaaladda Ceel-Afweyn iyo hanaqaadka nabadda iyo Weftigii ka socday Xukuumadda ee bulshada kala qayb galay farxadda Ciidal Adxa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.
𝟕. Samayta Siyaasadda Wasaaradaha iyo Waafajinta Qorshaha Guud ee Qaranka JSL: Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi.
𝟖. Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Tamarta iyo Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee JSL (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐢𝐩𝐥𝐨𝐦𝐚𝐭𝐢𝐜 𝐌𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐀𝐜𝐭):Waxa ka war bixiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Mudane Cabdisamad Cumar Maal.
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝