Ganacsade Cabdiwahaab Maxamud Awcaqli oo Munaasibada Casuumada Ah Ku Maamuusay Siyaasiga Cabdalle Xaaji Cali Axmed.
June 14, 2025 - Written by admin
Ganacsade Cabdiwahaab Maxamud Awcaqli oo Munaasibada Casuumada Ah Ku Maamuusay Siyaasiga Cabdalle Xaaji Cali Axmed.
Munaasibadan oo ka qabsoontay Hutelka Berbera Beach ayaa waxa kasoo qeyb galay 7 kamida Cuqaasha beesha Reer Wacays ay kasoo jeedaa Ganacsade Cabdiwahaab iyo Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali waxa kaloo iyaguna goob joog ahaa Waxgarad iyo dhalinyaro tiro badan oo Aqoonyahana.
Cuqaal waxagarad iyo Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed oo Casuumada kadib hadlay ayaa umahad Naqay Ganacsade Cabdiwahaab Maxamud Awcaqli oo Casuumada usameeyay Siyaasiga Kuna Marti qaaday Cuqaasha .Waxgaradka iyo Dhalinyarada aqoonyahanka ah oo isaga kala yimi Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer.
Geesta kale siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed Ayaa ugu baaqay guud ahaan beeshiisa inay Iskuduubnaadaan oo dantooda umidoobaan Magaca iyo maamuuskoodana ay ilaashadaan kana fogaadaan is khilaaf dantoodu ku lunto oo Tafaraaruq keenta.