berberatoday.com
Bulshada Samaha Diiddaa Xumaanta Ayey U Nuglaataa Qalinkii: Suldaan Cabdifataax Siciid Muuse (Qoorcase).
July 1, 2025 - Written by admin
Bulshada Samaha Diiddaa Xumaanta Ayey U Nuglaataa Qalinkii: Suldaan Cabdifataax Siciid Muuse (Qoorcase).
Dunida maanta, gaar ahaan bulshadeenna, waxaa isa soo taraya dareen laga murugoodo oo ah indad badani ay ka guurayaan samaha una guurayaan xumaanta, ka tegayaan waxtarka una talaabayaan waxyeelada, diidan yihiin wadajirka door bidayaan kala taga,Waa dad dantooda gaarka ah si weyn uga horeysiinaya danta guud ee la wada leeyahey. Dadkaa, hadalkooda, ficilkooda iyo mowqifkooda siyaasadeedba waxay marag u yihiin in ay yihiin kuwo aan dooneyn horumar, balse jecel oo ku farxaya dib u dhaca dadkooda iyo dalkooda , marka ay arkaan caqabad ku timid dalka wey buun buuniyaan. Marka ay ishoodu qabato tallaabo wanaagsan wax ku ool ah oo loo qaaday dhanka horumarka oo la taaban karo, halkii ay garab istaagi lahaayeen ama si togan u dhiiri gelin lahaayeen, waxay need dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay u qarribi lahaayeen oo keliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi(Cirro), oo shacabka si xor ah oo aqlabiyad leh u doorteen, wuxuu ku dadaalayaa inuu dalka dib uhabeeyo, sumcaddiisuna ay kor ugu kacdo gudaha iyo dibaddaba. Haddana,waxeynu ognahey talaabo kasta oo uu u qaado dhinaca guusha oo ina anfaceysa, waxa ka hor yimaada kooxo aan diyaar u ahayn in ay oggolaadaan isbeddel guul iyo horumar horseedaya.
Is weydiintu waxey tahey maxaa sababaya iney sidaa yeelaan?
Waxa u sabab ah dan siyaasadeed, mid ganacsi, ama nacayb bulshada la dhex dhigay oo la abuuray.
Arrimaha kale ee loo nisbeyn karo:
1. Xaasidnimo iyo nacayb siyaasadeed: Dad badan ayey dabeecad ka noqotey in aaney aqbalin guul aaney qeyb ka aheyn iyaga iyo cid la heyb ahi mooyaane, isla markaana waxayka xumaadaan in cid kale la guul qaran oo ummadeed soo hoyso hada weliba guushaa manfaceeda cidikama laha kamana badsaneyso oo waa guushooda.
2. Dan gaar ah: Waxaa jira kooxo dano gaar ah leh oo siyaasadda qalad ka fahamsan una yaqaan ganacsi, doonayana iney mucaaradaan hogaanka hadda jira,laakiin kala saari kari la qaranimada iyo xisbinimada 3. Kala fogeyn iyo kala qeybin bulsho:
Waxaa meesha ka baxey guud ahaan midnimadii,isku duubnidii, wadjirkii, wax wada qabsigii, is dhexgelkii, is aaminkii, dulqaadkii isu-tanaasulkii, iyo kalsoonidii ummadda isku xidhi lahey.
Maxaa Xal u noqon kara?
Wacyigelin bulsheed:
Waxaa lagama maarmaan ah in dadka la baro kala duwanaanshaha ra’yiga, muhiimadda toosnaanta, iyo farqiga u dhexeeya mucaaradnimada iyo wadaninimada, Runta iyo Beenta, Daacadnimada iyo khiyaamada. – dhibaatada dacaayadda xun iyo hadalada qabyaaladaysan.
Ugu Dambeyn:
Si bulsho caafimaad qabta loo helo, waa in laga fogaadaa hadallada nacaybka abuuraya. – la Garab istaaggaa hogaanka saxda ah: Marka hoggaan dalka iyo dadka u daacad ah la helo ee la taageero, horumarka ayaa suurto gelaya.Wada shaqeyn dawlada iyo dhamaan bulshada dhex marta ayaa la gaadhayaa.
Horumarka iyo guusha waxaa lagu gaadhii karaa iyadoo dawladda iyo shacabka midba midka kale garab istaago.
Qofkii dalkiisa waxyeeleeya, dadkiisana hagardaameeya, weligii isna guul horumar iyo wanaag ma gaadhi doono. Qof dalkiisa hagradaa hilibkiisa ayuu cunay, kaasi ma aha masuul masiir ummadeedna laguma aamini karo. Waxa waajib inagu ah in aynu garwaaqsano oo aynu fahano qiimaha ay leedahay Nabadda, midnimada, waddaniyadda, iyo xaqa oo aynu gacanta saarno, dhiiri gelino arimaha dhalinaya horumarka.
Guul Waarta iyo Gobonimo dhameystiran Rabbi Tabaaraka Wa Tacaalaa ha ina Siiyo Dhamaan Bulshada Reer Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews