Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed oo Socdaal Xogogaal Unoqosho oo Dadka, Duunyada Iyo Beeraha Ah Ku Tagay Qeybo Kamida Deegaamada Beeshiisu Degto ee Ku Teedsan Koomfurta Gobolka Saaxil
July 3, 2025 - Written by admin
Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed iyo dhalinyaro Aqoonyahan ah oo wehelinaayay ayaa maanta kormeer xogogaal unoqoshaha kutagay deegaamada beeshiisu Dagto ee ku teedsan agobolka Saaxil, sagoo socdaalkiisa ka bilaabay Tuulada Geel Lookor ku xigsiiyay Mijacaseeye,Bixin Duule,Dhaymoole,Bureeqa Iyo Laasadacawo loogu wado kariyay.
Guud ahaan dadka Deegaamadaas ku dhaqan Ayaa si diiran usoo dhaweeyay Cabdalle Xaaji Cali Iyo dhalinyarada Aqoonyahanka ah eel Wehelinaayay.
Deegamadan ayuu Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed Maray ayuu kulamo uu gogosha kula fadhiistay la yeeshay Waayeelka Waxgaradka Iyo dhalinyarada Deegaamadaas ku dhaqan isagoo Ka Wareystay xaaladooda nololeed ee Dad iyo Duunyo Gaar ahaan dhinacyada wax soosaarka Beeraha, Xoolaha iyo siday uhelaan baahiyaha asaasiga u ah nolosha ee ay kamid yihiin Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada Ubadka.
Dhamaan Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaamadaas ku dhaqan ayaa kawar bixinayay Xaaladooda iyaga oo sheegay inaanay helin Waxyaaha nolosha asaasiga u ah iyagoo sheegay Inaanay haysan biyo nadiif ah ay cabaan baro Caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka lagu daryeelo iyo Waxbarashada ay ka dayriyeen Xaalkeeda,
Gobolka iyo Degmada Berbera ee Xildhibaanadeeda laga soo doorto deegaamadan ayay sheegeen Inay gacmo madhan ka taagan yihiin oo aanay waxba kaga soo noqon, waxa Kaloo ay xuseen inay baahi wado xumo hayso deegaamadan oo hooyada foolata meelo badan oo deegaankan kamida meel laga soo qaado Aanay lahayn.
Geesta Kale Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Axmed ayaa dhinaciisa usheegay dadka kudhaqan Deegaamadaas inay dantooda umidoobaan kala Qoqobka iyo kala qeybintana ay ka diidaan waxaanu booriyay inay markaas helayaan wixii ay Xaq iyo xuquuq ku leeyihiin Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxilba isagoo ubalan qaaday inuu Deegaamadiisa wixii uu uqaban karo uu uqaban Doono una dadaali doono wadatashi bulshana uu La yeelan doono dadka deegaamadan ku dhaqan kuna soo noqnoqon doono Socdaalkiisuna uu Yahay mid uu lexejeclo ka qabo dadkiisa iyo Dergaankiisa.waxaanu ka marag kacay dib udhac Weyni uu deegaamadan ka muuqdo wado Xumadeeduna ay tahay mid caqabad ku ah nolosha Deegamadan oo beel kamida beelaha Ugu Balaadhan Gobolka Saaxil dagantahay inay sidaa Godoon unoqotana aan la aqbali karin.