Dawladda Ingiriiska oo Markii Uhoraysay Sheegtay Inay Difaaci Doonto Jasiirradda Taiwan
July 28, 2025 - Written by admin
Dawladda Ingiriiska ayaa markii u horaysay sheegtay inay difaaci doonto Jasiirradda Taiwan, haddii uu weerar millatari kaga yimaado dalka Shiinaha oo ku doodaya in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha.
Sida uu qoray wargeyska Daily Telegraph, Wasiirka Gaashaandhiga UK John Healey oo la weydiiyey in dalkiisu diyaar u yahay inuu awood millatari ku difaaco Taiwan, ayaa waxa uu sheegay in Ingiriisku uu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qaybgalo haddii Shiinuhu soo weeraro Taiwan.
Waxa kaloo uu caddeeyey in dalalka Ingiriiska iyo Austrelia ay mar walba iska barbar dagaalamaan, sidaas darteedna ay ka wada qaybgalaan dagaalada lagu difaacayo dalalka ay xulafada yihiin oo ay Taiwan ka mid tahay.