berberatoday.com
๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
August 23, 2025 - Written by admin
1 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa socdaal shaqo ku tagay gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigay mashaariic kala duwan, isla markaana xadhiga ka jiray mashaariic kale.
Gobolka Saaxil:
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa rasmi ah xadhiga uga jaray Mashruuca cusub ee Biyo ballaadhinta magaalada Berbera, kaasi oo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay bishii March, 2025-ka.
โ€ขMadaxweynaha JSL wuxuu ka qaybgalay qalinjabinta dufcadii 10aad ee Qalin-jabinta Ardayda Jaamacadda Culluunta Badda iyo Kalluumeysiga ee magaalada Berbera.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Dabdemiska ee Degmada Sheekh sidoo kalena Booqday Jaamacada Culluumta Xoolaha.
Gobolka Todheer:
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa daah-furay Hindisaha Maamul-daadejinta Adeegyada Dawladda ee Magaalada Burco oo bixin doona adeegyada gobollada Bariga dalka.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa dhagax-dhigay cisbitaal casri ah oo takhasusyo badan leh oo laga hirgelinayo magaalada Burco.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah -furay Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Burco, taasi oo lagu kor loogu qaadayo awoodda biyo gaadhsiinta bulshada ku nool magaalada Burco.
โ€ขMadaxweynaha Somaliland ayaa dhagax-dhigay Madxaf iyo Maktabad Qaran iyo Dib-u-dhiska Goobtii taariikhiga ahayd ee Magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dhagax-dhigay Aagga Wershadaha ee gobolka Togdheer.
โ€ขMadaxweynaha JSL ayaa dhagax dhigay dib u dhiska iyo casriyeyn ballaadhan oo lagu samayn doono garoonka kubadda cagta ee Allemsay ee magaalada Burco.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Taallada Halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir.
Daadmadheedh
โ€ขMadaxweynaha JSL ayaa dhagax-dhigay dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu samaynayo garoonka Kubbadda Cagta ee Oodweyne.
โ€ขMadaxweynaha JSL ayaa Dhagax-dhigay Mashruuca ballaadhinta Dhakhtarka Degmada Oodweyne, kaasi oo lagu kordhinayo adeegyo caafimaad oo casri ah iyo kor u qaadista qaybaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada reer Oodweyne.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigay 7-dugsi oo xukuumaddu ka dhisayso gobolka Daad-madheedh.
โ€ขMadaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa guul u rajeeyay in Madaxweyne Donald Trump ku guulaysto billada nabada adduunka.
โ€ขMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inuu muddo xileedkiisa uu rajaynayo in Somaliland ay hanato aqoonsiga caalamiga ah ee ay ka doonayso beesha caalamka.
3. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Danjire Bashiir Good ayaa soo dhaweeyay baaqii uu Senator Ted Cruz kaga dalbaday Madaxweyne Donald Trump inuu aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, maadaama ay muhiim u tahay danaha Maraykanku ka leeyahay gobolka Geeska Afrika.
4. Waxa toddobaadkii hore warbaahinta caalamiga ahi aad u qaadaa dhigtay dedaalka Somaliland ay ku doonayso aqoonsiga caalamiga iyo fursadaha badan ee horyaalla.
5. Xildhibaan Gavin Williamson ayaa ugu baaqay dawladda Ingiriiska inay qaadato goโ€™aan geesinimo leh oo ay noqoto dalka u horreeya ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland.
๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ค๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐’๐Ž๐‹๐๐€.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews
 
 
 
๏ปฟ