๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐
๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
August 31, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay Xafladda Furitaanka ee BANGIGA WADAAG oo maanta si rasmi ah looga Daahfuray magaalada Hargeysa.
Munaasibadda furitaanka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Ganacsato Waaweyn, Madaxda Bangiyada hore uga furnaa Dalka, Aqoonyahanka, Qurbe-jooga, bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale. BANGIGA WADAAG ayaa noqonaya Hayโad Maaliyadeed oo Casri ah, kaas oo qayb weyn ka qaadan doona kobcinta dhaqaalaha dalka, fududeynta adeegyada bangiyada iyo dhiirrigelinta maalgelinta gudaha.
Mabaadi’da iyo yoolka aasaaska u ah Hawlaha BANGIGA WADAAG waxa lagu soo koobi karaa 3-dan qodob:
1. Midaynta Awoodaha Dhaqaale ee Bulshada JSL,
2. Xoojinta Wax-soo-saarka Gudaha Dalka,
3. Yaraynta Saboolnimada Bulshada JSL,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maamulka iyo Mulkiilayaasha Bangiga Wadaag ku bogaadiyey dadaalka iyo maalgashiga weyn ee ay ku soo kordhiyeen dalka, isaga oo tilmaamay in Hayโadaha Maaliyadeed ee Casriga ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha, shaqo abuurka muwaadiniinta iyo xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibaddaba.
Munaasibadda waxa kale oo hadallo miisaan leh ka jeediyey: Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Bangiga Wadaag, Guddoomiyaha Bangiyada Gaarka loo leeyahay, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI , Guddoomiyaha Xisbiga KAAH , Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Bangiyadu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Qaranka, iyaga oo door weyn ku leh:
1. Kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta suuqyada Maaliyadeed,
2. Dhiirrigelinta Maalgashiga Gudaha iyo Dibadda,
3. Abuurista fursado shaqo oo muhiim u ah dhalinyarada iyo bulshada JSL,
4. Hagaajinta adeegyada maaliyadeed ee casriga ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu tilmaamay in horumarka Hayโadaha Maaliyadeed ee dalka ay astaan u yihiin kalsoonida iyo is-beddelka dhaqaale ee Somaliland, isaga oo ku booriyey bulshada iyo ganacsatada in ay ka faaโiidaystaan fursadaha iyo adeegyada uu BANGIGA WADAAG iyo Bangiyada kale ee dalka ka hawlgalaa ay bixiyaan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐