Ilaahay ha unaxariisto gudoomiye xigeenkii 1aad ee golaha guurtida jamhuuriyada somaliland xildhibaan Saciid Jaamac Cali oo hadda ku geeriyooda cisbitaalka guud ee hargeysa oo mudaba uu xanuun u jiifay . waxaa geerida ii xaqiijiyay xoghayaha guud ee guurtida somaliland Cabdinaasir Aden Beegsi .
Waxaan Tacsi u dirayaa xaaskiisii Fowziya Mire Maxamed , caruurtiisii , ehelkii , qaraabadii , golayaasha qaranka somaliland , iyo asaxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka somaliland . Xildhibaan Saciid Jaamac Cali wuxuu ka mid noqday golaha guurtida somaliland laga soo bilaabo shirweynihii beelaha somaliland ee magaalada Borama horaantii sanadkii 1993 , wuxuuna ka soo qabtay golaha guurtida xildhibaan , xoghaye , ilaa gudoomiye xigeenka 1aad oo loo doortay shirweynihii kale ee beelaha somaliland isugu yimaadeen magaalada hargeysa 1997 .
Mudadaa dheer ee 28ka sanadood ahayd ee uu hayay jagdaasi weyn ee gudoomiye xigeenka 1aad ee guurtida oo in badan aan ku wareystay BBC lama sheegin cid ka cabaneysay ilaahay janadii ha geeyo ee Saciid Jaamac Cali . wuxuu qayb weyn ka soo qaatay nabada beelaha somaliland siiba gobolka sanaag , dhismaha haykalka dowladnimada somaliland iyo distoorka somaliland .
SAWIRKA ; Keydka Cige ; Marxuumka Saciid Jaamac Cali iyo Weriye Axmed Saciid
Cige ,Hargeysa 20.6.2021 .