Digniin Kusocota Dadka Somalida Ah ee Ku Socda Haydarabad Hindiya
September 18, 2025 - Written by admin
Warar xogogaala aanu helay ayaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha magaalada Haydarabad ee Dalka Hindiya ay ku Xaniban yihiin rakaabka Duulimaad 6-aad ee ka safra Addis Ababa 11 Bishan Sempteber oo dadka saarnaa Somali ubadan yihiin kuwaas oo ka dhoofay Addis Ababa Raacayna diyaarada Itoobiyan Airline oo waayadan dambe bilawday duulimaad toosa oo Itoobiya iyo Hindiya ah.
Dadkan oo ah kuwo Haydarabad utagaayay Xaalado caafimaad oo kala duwan kuwoodna ay bareele saaranyihiin aanay socon xaladooda caafimaad awgeed ayaa uxaniban waraaq yar oo Caafimaad oo laga bixiyo Addis Ababa lagu Magacaabo Yelow Fever sheegaysana in qofka dhoofaya laga talaalay xanuunka Xumada Iyadoo waligeedna lagu dhoofi jiray, Dawlada Hindiya ayaa warqadaas ku haysata dadkaa bukaanada ah oo Uxanibtay iyadoo dadkii lagu khasbayo in karantiin Lagaliyo mudo 10 maalmooda habeenkiina la xisaabin doono lacag 300$ ah oo hurdada iyo cuntada ah hadhawana laysugu geyn doono lacag kudhaw 4000$ sida uu noo Xaqiijiyay qof kamida dadka ku xaniban Garoonka diyaaradaha Haydarabad oo nala soo xidhiidhay Sidoo kale wuxu qofkaasi oo ka gaabsaday inuu Magaciisa sheegaa intaas kudaray in qofka diida Karantiinkaas loogu hanjabay in dib loogu celinayo Halkuu kasoo dhoofay taasina ay tahay khasaare Aanu kasoo waaqsannkarin bukaanka Haydarabad Utagay Daawaynta caafinaad.
Shirkadaha Diyaaradaha Itoobiya ayaan ilaa hadda ka hadlin arintan culayskeeda wadata aan uga digin dadka Hindiya udhoofaya ee Somalida ah oo lacagta tidhida uun ka guranaya .
Guud ahaan dadyawga Somalida ee caafimaadka Uraadsada dalka Hindiya gaar ahaan Magaalada Haydarabad waxa looga digayaa in aanay Khasaarahaas iyo arinkaas culus ee kataagan Garoonka diyaaradaha Haydarabad ubadheedhine Ay ka joogaan ilaa inta xal laga helaayo.