Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Weftigii uu Hogaaminaayay oo Siidaran Loogu Soodhaweeyay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa
October 14, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Raโiisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.
Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐