Taliyihii Ciidanka Milatariga Dalka Madagascar oo Loo Dhaariyay Madaxweynaha Dalkaas oo Ciidanku Afgabiyay
October 17, 2025 - Written by admin
Madagaskar: Taliyaha Millitary-ga ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxweyne, maalmo uun ka dib markii ay milatarigu la wareegeen talada dalka kad dib markii dhawaan madaxweynihii dalkaasi Andry Rajoelina uu naftiisa kala cararay shacabka gadoodsan ee dalkaasi baxsado.
Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee dalkaasi ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay magacaabista Kornayl Michael Randrianirina, taasoo ku soo beegantay toddobaad rabshado wata oo lagaga soo horjeeday madaxweynaha dibad wareega ah ee dalkaasi.
Sarkaalkan 51 jir-ka ah ee talada dalka loo dhaariyay ayaa ballan qaaday doorasho ka qabsoomi doonto dalka 18 ilaa 24 bilood gudahood, wuxuuna warbaahinta gudaha u sheegay in la tashiyo lagu soo magacaabayo ra’iisul wasaare la isku raacsan yahay.
Dalkani oo dhaca xeebaha koonfur-bari ee Afrika ayaa waxaa in muddo ah ka socday Mudaharaadyada jaangooyay isbadalkan siyaasadeed kaasi oo ka dhashay duruufo dhaqaale iyo baahiyaha daruuriga ah ee bulshada oo aad u liita taasi oo sahayatay hogaankii dalka ugu sareeyay.