Xasan Xaaji Cabdilahi Xasan Ganay Mucjisadii Fanka Somalida ee Lala Cajabay
October 20, 2025 - Written by admin
Awbaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ” Xasan-Ganey” oo la weydiiyay, sababta ay u caan baxeen heesaha talantaaliga ah ee uu allifay. Waxa uu ku jawaabay”Labada qof ee wada heesaya, ereyada ay ku heesayaan waan isku miisaami jiray.
Metelan, haddii wiilku geel ku faano gabadhuna waa in ay ku faanto geel ama wax geela u dhigma. Haddii labadooda midi geel ku faano ka kalena adhi, heestaasi nuxur ahaan bay u dheeliyaysaa.
Dhinaca ammaanta aan idin ka tusee, heesta ay wada qaadaan Bacalwaan iyo Sahra Axmed. Bacalwaan waxa uu ku ammaanayaa gabadha “Moodda Galabeed” oo ah xilliga ay caceeddu dhacayso ama ay markaas uun dhacday, fadka dahabiga iyo casuusta iskugu jira ee Galbeed ka muuqda.
”Sida moodda galabtii
Dhulka oon madoobayn
Cadceeddiina maqantahay,
Wali maalintii iyo
Makhribkoo an kala guran
Labadaa marxaladood,
Iyadoon midnaba noqon
Oo midab dhalaaliyo
Soo baxay masciideed,
Muuqiyo adaa qurux,
Milgo iyo adaa sharaf
Iyo waliba meel joog
Rabbi kugu manaystee
Madaddaalo ramadley,
Mawle ha iskukeen simo”
Sahra Axmed, marka ay u halcelinayso Bacalwaan waxa ay ku amaanaysaa “Oogta Waaberi” oo ah xalliga cadceeddu soo baxayso, midabka dahabiga iyo casuusta iskugu jira ee arooryada hore jihada Bari ka muuqda.
“Sida muuni subaxeed
Habeenkoon mugdi ahayn
Cadceedduna mudh soo odhan
Madow yahay dhulkuna weli
Oo sagal macaaniyo
Fad malaasan iyo caad
Oo mayey ku caaridey
Saddexdu is muquurteen
Madaxana shucaac ku leh
Muuq iyo adaa qurux
Milgo iyo sharaf
Iyo weliba meel joog
Rabbi kugu manneeystaye
Mawle haysku keen simo.”
Mucjisada xero-udhalanka ah, waa Xasan-Ganey e’, bal sida labada xilli ee is ceshanaya, dulucda heesta ugu miisaamay, ka warrama?