Xukuumadda Jarmalka oo 18 Milyan oo Yuuro Ku Maalgalinaysa Biyaha Hargeysa.
October 20, 2025 - Written by admin
Bankiga KfW Entwicklungsbank ee Jarmalka waxaa la filayaa inuu magaalada Hargeysa ku maalgeliyo lacag 18 milyan oo Yuuro ah, oo lagu hormarinayo dhanka biyaha.
Mashruucan horumarinta ah waxaa la qorsheeyay inuu socdo 2026 illaa iyo 2031.
Mashruuca waxaa maamulaya Wakaaladda Biyaha ee magaalada Hargeysa.
Lacagta 18-ka milyan ee Yuuro ah inay ka siyaadiyaanna waa suura gal, sida ay sheegeen.