Somaliland”Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashada Oo Lagu Daahfuray Gobolka Sool
August 22, 2016 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Daahfurka diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood.
Wasiiro ka tirsan xukuummada Madaxwayne Siilaanyo, Madaxda Xisbiga Kulmiye,Waddani iyo Ucid, salaadiin, golaha deegaanka magaalada Laascanood, guddida komishanka Doorashooyinka iyo shacabka ku nool gobolkaasi ayaa ka qaybgalay munaasibada lagu daahfurayay diwaangalinta codbixiyaha doorashada oo maalinta berry ah si rasmiya uga bilaabmaysa Gobolka Sool ee barriga Somaliland.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Faratoon, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa dadwaynaha gobolka Sool ugu baaqay inay is diwaangaliyaan si ay u muujiyaan codkooda doorashada madaxtooyada iyo wakiilada ee soo socota.