Maxaa Keenay In Madaxwayne Siilaanyo Uu Wakhtigan Booqdo Gobollada Bariga Somaliland ?
August 22, 2016 - Written by Berbera Today
Xukuumadda Wada-hadalladii Khaatumo ka dib, dardar galisay Siyaasadda Gobolada bariga Somaliland
Laascaanood(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maalintii Afraad ku sugan Gobollada Togdheer, Sool iyo Saraar.
Madaxwayne Axmed-Siilaanyo, waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dhaqan ee Gobolka Sool, kuwaasi oo in muddo ah ka cabanayay habka saami qaybsiga ee Dawladda Somaliland.
Madaxwaynuhu, waxaa uu Madax-dhaqameedka Gobolka Sool u caddeeyay inaan Somaliland si xaq ah xilalka loogu sinayn, balse loo baahan yahay in dib looga heshiiyo isla-markaana shirar kale oo lagu tashanayo bisha October la iskugu yimaaddo Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, si dadka deegaanada Bariga Somaliland deggan loo siiyo saamiga ay ku leeyihiin Somaliland.