SOOL: Shaqaaqo Ka Dhalatay Cashuur Lagu Soo Roogay JAADKA Laascaanood Looga Keeno Kenya Oo Hal Qof Ku Dhintay, Nin Dhaawacmay Iyo Xog-Waranka Badhasaabka
August 22, 2016 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay Hal Qof baa ku dhintay, Mid kalena wuu ku dhaawacmay Is-rasaaseyn Shalay ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Is-rasaaseynta ayaa dhex martay Qaadleyaal Garoonka Laascaanood Diyaarad ku keena Qaad ay ka soo waaridaan Kenya iyo Ciidanka Booliska ee qaabilsan Amniga guud ee Garoonkaasi, waxaana Rasaastaas ku dhintay Hal Nin oo ka mid ahaa Qaadleyaasha, waxaana ku dhaawacmay Nin kale.
Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo dhawaan loo beddelay Gobolka AWDAL, balse illaa hadda aan xilka Gobolka Sool wareejin, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Qaadleyaashu diideen inay bixiyaan Cashuur lagu soo rogay Qaadka ka soo dega Garoonka Diyaaradaha Laascaanood, cashuurtaasi oo aan hore looga qaadi jirin.