berberatoday.com
Qiso cajiib ah oo uu sheegay Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi
November 11, 2025 - Written by admin
Qiso cajiib ah oo uu sheegay Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi
“Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho waxaa dhisay Sucuudiga. Markii Masjidka la furayey, waxaa fariin utimid Aabbahay Shiikh Cali Suufi (AUN). Waxaa lagu dhahay:
‘Xafladda furitaanka Masjidka waxaa imanaya wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga, diyaari wiil xaafid ah oo Aayado Qur’aan ah akhriya.’
Aabbahay wuxuu dhahay: ‘Cabdirashiid adiga ayaa Qur’aanka akhrinaya ee is diyaari.’
Aayadihii aan akhrin lahaa oo ka mid ahaa Suuratun Nuur waan diyaarsaday.
Markii xafladdii la gaaray, aniga iyo Aabbe waan is raacnay. Dad aad u tiro badan ayaa masjidka soo buuxiyey. Markaan dadkaas arkay, waan ooyey. Waxaan dhahay: ‘Aabbe, anigu Qur’aanka kama akhrinayo, waan cabsaday.’
Oohintaydu ma ahayn tii khushuuc ee waxay ahayd cabsi.
Aabbahay, oo ahaa ruux qalbi jilicsan, wuxuu igu yiri: ‘Haye iska dhaaf,’ wuxuuna gacanta iga qabtay. Laakiin waxyar markaan soconnay ayuu haddana igu yiri:
👉 ‘Aabbe, akhri Qur’aanka. Waxaan kuugu ducaynayaa in Alle codkaaga caalamka maqashiiyo, caalamka oo dhan Ilaahay gaarsiiyo.’
Markuu sidaas yiri, xoogaa geesinimo ah ayaa qalbigeyga gashay, waana akhriyey Qur’aankii.
Maanta markaan maqlo dalal sida Senegal 🇸🇳, Zimbabwe 🇿🇼, New Zealand 🇳🇿 iyo caalamka oo dhan oo dhahaya ‘Qur’aankaaga ayaan dhagaysanay,’ waxaan xasuustaa maalintaas, waxaan dhahaa:
💫 ‘Waa ducadii Aabbahay.’
✨ Ilaahay ha u naxariisto Shiikh Cali Suufi AUN.
🕊️ Waa tusaale cajiib ah oo muujinaya barakada ducada waalidka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews