|
berberatoday.com
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Reer Miyiga oo Kulan Isxogwareysi La Qaatay Dhakhaatiirta Iyo Shaqaalaha Wasaaradaas ee Gobolka Saaxil
November 12, 2025 - Written by adminWasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL Dr Cumar Shacayb Maxamed Ayaa Saaka Kulan Isxogwareysi Kula Yeeshay Hutelka Berbera Sea Side Resort ee Berbera Dhakhaatiirta Iyo Shaqaalaha Wasaarada ee Gobolka Saaxil.
Kulanka Waxa Kasoo Qeyb Galay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Daahir Cabdalle Iyo Xoghayaha Gobolka Nuyx Maxamed Saleeban.
Berbera Waa Xudunta Ay Ka Dhoofaan Xoolaha Ugu Badan ee Somaliland Iyo Kuwa Ka Yimaada Deegaamada Somalida oo Dhan Waxa Ku Yaala Maxjarada Xoolaha Lagu Xanaaneyo Caafimaadkoodana Lagu Daryeelo.
Geesta Kale Waxa Ka Hawl Gala Dhakhaatiirta Ugu Badan ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Caafimaadka Xoolaha Ka Shaqeeya.
Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Saaxil Dr Maxamed Saleeban Cajab oo Kawar Bixiyay Shaqada Wasaarada ee Gobolka Ayaa Sheegay In Wax Waliba Sidii Loogu Talagalay Usocdaan Shaqada Wasaarada Uu Dardar Galiyay Mudadii Koobnayd Uu Xilka Hayay.
Kulanka Ayuu Wasiir Dr Cumar Shacayb Ku Sheegay Inuu Yahay Dardar Galinta Hawlaha Shaqo ee Wasaarada Iyo Isla Xisaabtanka Wixii Qabsoomay Sanadkan Dhamaanaya ee 2025 Iyo Hiigsiga Iyo Qorshaha Sanadka Cusub ee 2026 oo La Doonayo In Wax Badan La Qaban Doono.
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||