Shirka Maamulka Daadajinta Ururka Dawlada Hoose ee Somaliland ee Algasal oo Berbera Ka Furmay
November 18, 2025 - Written by admin
Waxaa saaka Magaalada Berbera ka furmay shirka Maamul Daadejinta Dawlada Hoose ee degmooyinka Dalka, kaasoo ay ka soo qayb-galeen Maayarada Magaalooyinka Somaliland Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha bixiya adeega aasaasiga ah, Hay’adda UNICEF iyo Xafiiska Champion ka ee Madaxtooyada ay hoos Tagaan Mashaariicda ay Haayaduhu fuliyaan
Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu Saari doonaa nidaanka Maamulka Daadejinta Somaliland ee mashruuca JPLG ee ay ku midoobeen wasaaradaha dawladaha hoose, Wasaaradaha iyo qaar kamid ah haayadaha caalamiga ah.