Xeer Ciisen Maanta May Aheyn In Magaaladiisii Saylac ee Abtiyaashay Layidhaahdo Xeer Kuma Qaban Kartaan Ceebay Inagu Tahay”Xildhibaan Maxamed Abiib
November 19, 2025 - Written by admin
“Anigu waxaan doonayaa inaan si cad u muujiyo mowqifkayga ku aaddan arrinta xeerka Beesha Ciise. Waxaan aaminsanahay in xeerku yahay tiirka ugu weyn ee nidaamka dhaqankeena, waana in lagu qabtaa meel sharafteeda, taariikhdeeda iyo dhaqankeeda leh.
Sidaa darteed, waxaan taageero buuxda u muujinayaa in xeerka Beesha Ciise lagu qabto Saylac. Saylac waa magaalo muddo dheer bulshada Ciise u ahayd meel xeer, suldanimo iyo dhaqanba ku wada xidhan yihiin.
Mowqifkaygu ma aha mid siyaasadaysan, ee waa mid ku dhisan wanaag, nabad iyo ilaalinta hab-dhaqanka ay bulshada ku mideysan tahay. Waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu xoojinayo isku duubni, sharaf iyo is-ixtiraam, taas oo ay bulshadeenu u baahan tahay mar walba.
Anigu diyaar ayaan u ahay inaan ka shaqeeyo wixii xoojinaya wadajirka, isla markaana ixtiraama rabitaanka bulshada iyo dhaqankeeda kala duwan