berberatoday.com
Baanka Dhexe ee Somaliland oo Maamulkiisu Sheegeen In Shaqadiisa La Dardar Galinayo
November 20, 2025 - Written by admin
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi, ayaa caddeeyay in hoggaanka sare ee baanku uu bilaabay hawlgal ballaadhan oo lagu xoojinayo awoodda maamul, hufnaanta shaqo iyo casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Tallaabadan cusub ayaa calaamad u ah in hay’addu gashay marxalad ku salaysan dhiirrigelin iyo dib-u-habayn buuxda oo la xidhiidha maamulka suuqyada maaliyadda iyo dhaqaalaha qaranka.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in mudnaanta koowaad la siinayo in Baanka Dhexe uu qaato doorkiisii hoggaamineed ee suuqyada maaliyadda, isla markaana uu noqdo hay’ad leh awood sharciyeed, khibrad, aqoon iyo tignoolajiyad casri ah.
“Maanta laga bilaabo waxaan u hawlgalaynaa sidii Baanka Dhexe JSL u noqon lahaa mid guta doorkiisa hogaamineed iyo maamul ee suuqyada maaliyadda, isla markaana ku hubaysan shaqaale aqoon iyo xirfad leh, tiknoolojiyada casriga ah ee adduunku isticmaalo iyo siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka ah si uu kaalin muhiim ah uga qaato kobaca suuqyada maaliyadda iyo dhaqaalaha Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi, ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay hirgelinta Istaraatjiyadda lagu horumarinayo Baanka Dhexe ee JSL, waxaana uu ballan qaaday in Istaraatjiyaddaasi aanay noqon doonin mid inta la sameeyo meel la iska dhigo balse ay noqon doonto mid ay si dhab ah u hirgeliyaan. Waxaanu yidhi Guddoomiyahu, “Waxaan ballan qaadayaa inaanay noqon Istaraatijiyaddani mid inta aynu samayno aynu meel iska dhigno”.
Baanka Dhexe ee Somaliland, oo ku hawlan dejinta Qorshahooda 𝐦𝐮𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 (𝟐𝟎𝟐𝟔-𝟐𝟎𝟐𝟖), ayaa shalay doodo iyo falanqayn dheer ku soo bandhigay shirkoodan oo shalay galay maalintiisi 4aad, waxaana ka caawinaya khubaro caalami ah taas oo Baanka u horseedi doonta horumar weyn oo ah dhinaca hanaanka Maaliyaddeed ee dalka iyo guud ahaan ba kobaca dhaqaalaha Somaliland.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa caddeeyay in isbeddelku aanu ku koobnayn dib-u-habayn farsamo oo keliya, balse uu diiradda saarayo dhisidda kalsoonida bulshada, horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyo ilaalinta xasilloonida lacageed ee shilinka Somaliland.
Tallaabooyinkan cusub ayaa muhiim u ah xasilloonida qiimaha, kobcinta sumcadda shilinka, iyo abuurista suuq maaliyadeed oo hufan, isla markaana u diyaarsan maalgashi gudaha iyo dibadda ah. Baanka Dhexe wuxuu leeyahay door aasaasi ah oo ay ka mid yihiin: dejinta siyaasadda lacageed, xakamaynta sicir-bararka, ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, iyo dammaanad-qaadka amniga nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ballan qaaday fulinta istaraatijiyad cusub oo muddada-dhexe ah (2026–2028), kaas oo diiradda saaraya: Dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed; Kobcinta dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi; Horumarinta siyaasadaha lacageed; Dhisidda kalsoonida hay’adaha maaliyadeed iyo Kor u qaadista kaabeyaasha tignoolajiyada maaliyadeed (FinTech).
Qorshahani waxa uu saameyn ballaadhan ku yeelan doonaa bangiyada, dhaqaalaha digital-ka ah, kaydka qaranka, sharciyada maaliyadeed, iyo guud ahaan qaab-dhismeedka dhaqaalaha Somaliland ee sanadaha soo socda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews