HEE DAACAD Allow Yaa Ku Dooxoo Hadana Aan Ku Dilinoo Waxad Damacsantee Kale Dibadda Ula Soo Baxa”Mujaahid Cali Guray oo Naqdiyay Dr Gaboose
November 20, 2025 - Written by admin
HEE DAACAD
Allow Yaa Ku Dooxoo
Hadana Aan Ku Dilinoo
Waxad Damacsantee Kale
Dibadda Ula Soo Baxa.
Yaa Ii Sheegi Kara Waxa U Dhexeeya Fidmada Dawladda Muqdisho Ay La Maagan Tahay Zaylac Iyo Hadalkan Gaboose? Aniga Xagayga Wax U Dhexeeyaa Ma Jiro.
Sheekadiiba Wuxu Ka Dhigay Isaaq Oo Kala Raacay Reero. Wax Jirana Maaha Ee Waabeentii. Waxa Jira Dawladda Somaliland Oo Go’aansatay In Ay Ka Hortagto Shirqool Laga Soo Maleegay Muqdisho Oo Ah In Zaylac Fidmo Laga Abuuro Iyo In Nabadgelyada Zaylac Iyo Degaankeedana Ay Sugto. Intaa Wax Ka Badan Oo Jiraana Ma Jirto. Walaa Ciise Ayaan La Diidanayn Walaa Xeer Ciise.
Dawladdu Nabadgelyada Somaliland Iyadaa Ka Masuul Ah. Waana U Diyaar In Ay Sugto Qiimo Kasta Oy Ku Tegaysona Waa U Diyaar
Gaboose Waa Siyaasiga Ugu Nifaaqa Badan Somaliland Ee Aan Aqaano. Hadalkiisa Ha U Qaadan Nasteex. Waa Deroderayn
Hadaba Muwaadin Wax Ha Laguu Sheego Eh Maankaaga La Kaasho. Ama Hadalka Gaboose Rumayso Ama Ka Caligurey Rumayso. Adigay Kuu Taalaa.
Waxa Qoray Mujaahid Siyaasi Cali Guray