Xisbiga Mucaraadka Ah ee Kaah oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Qaabkii Loola Dhaqmay Madaxweyne Hore Muuse Biixi Cabdi Xukumadana Ugu Baaqay Inay Jawaab Ka Bixiyaan
December 1, 2025 - Written by admin
Warsaxaafaddeed: Dhacdada Rasaaseynta iyo Is-hortaagga Madaxweynihii Hore ee JSL, Md Muuse Biixi Cabdi Ee Madaarka Cigaal International Airport.
Xisbiga KAAH wuxuu aad uga xun yahay dhacdada rasaaseynta iyo is-hortaagga ah ee saaka ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, ee caasimadda Hargeysa. Talaabada sababtay in Madaxweyne hore lug ku galo madaarka, waxa xaqiiq ah inay ahayd fal ay ka muuqatay xurmo-darro iyo xadgudub xasaannadeed. Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweyne dalkani soo hoggaamiyey, islamarkaana mudan qaddarin iyo xushmad joogto ah.
Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda JSL inay raaligellin ka bixiso tallabooyinkaasi lidiga ku ahayd maamuuska iyo milgaha Madaxweyihii hore.
Ugu danbeyntii, Xisbiga KAAH wuxuu ku baaqayaa in baadhis rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi, islamarkaana xukuumadda qaaddo tallaabooyinka ku habboon ee lagula xisaabtamayo cid kasta oo ku lug lahayd.
Guddoomiye-kuxigeenka Xisbiga KAAH,
Mudane Cabdilaahi Ibraahin Habbane