Moqdsiho(Berberatoday.com)-Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay weeraradii is-miidaaminta ee Axadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay la beegsadeen halka uu ahaa bartilmaameedka ay ku aruursanayeen waxa uu ugu yeedhay Cadaw.
Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa sheegay in khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba iyo bur bur hantiyadeed uu ka dhashay weerarkaas.
“Camaliyadaas ka dhacday Gaalkacyo waxaa khasaare fara badan ku gaarsiinay cadawga, waxaa la beegsaday halkii loogu tala galay iyo meelihii ay ku aruursanaayeen, dhimashada aad bey u badan tahay 30 illaa 40 u dhaxeysaa, waxaa bur buray daartii shirqoolada lagu maleegayay”ayuu yidhi Cali Dheere.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay yihiin col u taagan dadka ahlu diinta iyo gacmo gaalo, isla markaana qaata awaamiirta Itoobiya sida uu yiri.
Waxaa uu ku hanjabay inay sii wadayaan weerarada iyo howl galada ay ka geysanayaan deegaanada Puntland.
In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay labo weerar is qarxin ahaa, kuwaasoo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana inta badan dadka ku dhintay weerarkaas ahaayeen dad rayid ah oo ku ganacsanayay suuqa dayax oo ay ku taalo xarunta dowladda Hoose.