berberatoday.com
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Iftiimiyey In Shaqo La’aantu Sababtay Dambiyo Casri Ah Oo Dalka Ku Badanaya
August 24, 2016 - Written by Berbera Today

Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay caqabadaha haysta shaqaalaha dawladda iyo kuwa ka hawlgala shirkadaha gaarka loo leeyahay + dacwado shaqaale kala duwan u gudbiyeen maxkamadaha

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in ay jiraan caqabado badan haysta shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ah, kuwaasoo loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaadho si loo sugo caddaaladda, isagoo sidoo kale iftiimiyey inay dalka ka dhacaan dambiyo badan oo hab casri ah loo gaysto oo ka dhashay shaqo la’aanta haysata dhallinyarada.

Guddoomiye Aadan oo khudbad ka jeediyey xaflad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqalaha Dawladda shalay,  waxa uu xusay in loo baahan yahay dib u eegis lagu sameeyo xuquuqda, habka shaqo ka saarista  shaqaalaha dawladda.

“Waxaan ogahay caqabadaha aad la kulmi doonto ee aannu guddoomiyihii hore ka wada shaqaynaynay. Ma aha marka la shaqaalaysiinayo oo kaliya shaqaalaha ee waa in shaqaalaha xuquuqdoodii la helo, sida shaqada looga eryayo, sida nidaamka looga saarayo. Maalin walba waxa maxkamadaha soo gaadha oo aniga ii soo dacwooda shaqaale ka cabanaya hay’adihii ay ka shaqaynayeen sida shaqadii oo looga joojiyey, waana caqabadaha aad waajihi doonto, waayo marka shaqaalaha la ashkataynayo marna shaqaday galaan, marna waa in ay ka baxaan oo hab looga baxo ayaa jira.

Laba hab bay maraan oo Shaqaalaha rayidka ah waxa ay maraan Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada, shaqaalaha dawladduna waxay maraan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, markaa labadaba caqabado ayaa ka jira, sababtoo ah waxa la maraan nidaam aan caddaalad ahayn (Unfair process). Maxkamadda waxa ay soo gaadhaan mar dambe oo ay habsan tahay, markaa arrintaasi waa mid aynu ka wada shaqayn doono oo runtii ah meel u baahan in dib-u-habayn xoog leh lagu sameeyo,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali

Waxa kale oo uu sheegay inay dayacan tahay xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya goobaha gaarka loo leeyahay, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo dayacan dadka shaqaalaha rayidka ah ee shirkadaha gaarka ah u shaqeeya, tusaale kooban baan idin siinayaa waqtiga caadiga ah ee la shaqeeya waa 8 saacadood, qofku haddii uu siddeed saacadood wax ka badan shaqeeyo waxa la yidhaa waqti dheeraada ayuu shaqeeyey (Overtime), goobaha gaarka ah  way waqti dhaafeen, cid xuquuqdooda difaacda ma jirto,  iyaguna ma cawdaan, waayo waxay ogyihiin in shaqada laga eryayo haddii ay cawdaan, arrintaasina waa arrin ka madaxbannaan Hay’adda Shaqaalaha oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada, waana xuquuqo dayacan dadku ganacsiga ha u shaqeeyaan amma macallinimo ha ku shaqeeyaan amma bakhaaro ha ku shaqeeyaan. Hadda waxa maxkamadaha ka socda dacwado dad ku dhaawacmay amma naftooda ku waayey amma xubnahooda ku waayey oo meel alaale meel ay xuquuqdooda u doontaan garan la’ amma markay maxkamadaha yimaaddeen loo fulin waayey xuquuqdooda.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay siyaasad heer qaran ah oo lagu abuurayo degaan shaqo, isagoo tilmaamay in aan dawladda waajib ku ahayn in ay dadka wada shaqaalaysiiso, balse xil ka saaran yahay in ay keento siyaasad shaqo abuur, “Waxa aan halkan ka tilmaami doonaa fikrad adiga ku anfici doonta (Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha), waddanka oo dhana anfici doonta oo ah yaa shaqada bixiya? Innaga waddankeena shaqo la’aan baa ka jirta, adduunyada qaranku ma bixiyo shaqada, dawladda looma shaqo tago, laakiin dawladdu waxay abuurtaa degaan shaqo, shaqo-abuur laga samayn karo, shaqada ugu badana waxa bixiya shirkadaha gaarka loo leeyahay, laakiin dawladda waajibaadka saaran waxa weeyaan in ay degaan shaqo samayso oo shirkaduhu macaashaan si ay shaqo badan u bixiyaan, laakiin ma jirto waddan muwaaidniinta ku nool oo dhan shaqo la siiyo, dawladdu ma awooddi karayso, miisaaniyadna uma helayso, nidaamka dawladdu u jirtana sidaa maaha. Marka waa in aynu fahanno haddaynu reer Somaliland nahay dadka oo dhani dawladda uma shaqo tegi karaan, shaqana kama heli karaan, dawladduna ma siin karto, laakiin dawladda waxa waajib ku ah in ay abuurto degaankii shaqo lagu heli lahaa. Marka waxa aan halkaas kaa siinayaa suurtagal maaha in Hay’adda Shaqaaluhu ay shaqo u raadiso qof kasta oo Jaamacad ka soo baxa, laakiin, waxa la inooga baahan yahay adigoo aad is kaashanaysaan Wasaaradda Shaqada iyo Wasaaradaha kale ee shaqada abuura ee Maaliyaddu iyo wasaarada kale ee la hal maala in aynu la nimaadno qorshihii waddankan shaqo-abuur loogu samayn lahaa, maaha arrin u taala Hay’adda Shaqaalaha, waayo awood uma lihid, masuuliyad kuu taalana maaha inaad dadka oo dhan shaqada siiso. Markaa waa in la yeesho qorshe heer qaran ah oo shaqo-abuur lagu samaynayo.

Hay’adda Shaqaaluhu waxa ay sheegtay in 15,000 (shan iyo toban kun) oo qof dalka u shaqeeyaan, waa dad aad u kooban, waayo, Somaliland waxa jooga dad tiradoodu ku dhawdahay lix milyan oo qof, boqol laabaan ayaana ka shaqeeya hay’adaha gaarka loo leeyahay, markaa waxaan halkaa ka tilmaamayaa in lala yimaad siyaasaddii shaqo-abuurka ee qaranka, taasina maaha arrin u taal Shar’ma’arke (Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha) ee waa arrin u taal qaranka Somaliland.”

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in shaqo la’aanta ka jirta dalka Somaliland ay sababtay inay kor u kacaan dambiyada ay dhallinyaradu galaan.

“Dalkeenna shaqo la’aan badan ayaa ka jirta, iminkana waxa innagu batay dambiyada ay dhallinyaradu galaan (youth gang crimes), waanay sii kordhayaan, waanay sii casriyoobayaan, waxaana jira niyad-jab badan oo dadka ah, waana in siyaasadii shaqo abuurka la sameeyo, waayo 80% waxa shaqooyinkaas laga raadinayaa waa shaqooyinka gaarka ah,” ayuu yidhi Prof. Aadan Xaaji Cali.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews