Gudoomiyaha Caymiska Qaranka Somaliland Iyo Wefti Uu Higaaminayo oo Berbera Hawlo Shaqo Uyimi
December 24, 2025 - Written by admin
Gudoomiyaha hay’adda caymiska qaranka Somaliland mudane axmed xirsi ducaale iyo wafti uu hogaaminayey oo safar shaqo ku jooga magaalada berbera ayaa maanta shirar mihiima layeeshay inta badan madaxda Iyo Masuuliyiinta Haayadaha dawlada iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gobolka saaxil iyagoo kala hadlay in caymiska qaranka loo bilaabi doono si dhaqso ah Lana Doonayo iyo haayadahani doorka ay ku leeyihiin hirgelinta caymiska somaliland ka qaataan.
Weftiga Gudoomiyaha Caymiska Qaranka Axmed Xirsi Ducaale Waxa weftigiisa kamida ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Caymiska Qaranka Cabdirashiid Saleebaan iyo Isuduwaha Cayska Qaranka ee ee Gobolka Saaxil Siciid Aadan Diiriye
Ugu horayn wuxuu ka bilaabay gudoomiyuhu kulamadiisa xafiiska gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cabdiqani Caateeye fariid oo halkaasi kusoo dhaweeyay iyagoo iska xog waraystay socdaalkooda iyo wuxuu la xidhiidho Waxaanu gudoomiyuhu u amray Inay Haayadaha ay la kulmayaan ufududeeyaan shaqada ay usocdaan
Waxa kaloo ay kulamo kale oo kan lamida la yeesheen Iskaashatada gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ee Tawfiiq,Maareyaha Haamaha Kaydka shiidaalka Maareye Kuxigeenka haayada dekedaha somaliland iyo madaxda iyoi masuuliyiinta shirkadaha ganacvsiga ee gaarka loo leeyahay iyagoo dhamaan kulamadaas kala hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa hirgalinta Caymiska noocyadiisa kala duwan oo gaadiidku kaw ka yahay.
Gudoomiyaha haayada caymiska Qaranka Axmed Xirsi ducaale Iyo Weftigiisa shaqo oo laba maalmood joogi doona Berbera wuxu sheegay in badhtamaha bisha koowaad ee sanadka 2026 La Qaban doono shirweynaha qaran ee caymiska kaas oo Madaxweynaha JSl Mudane Cabdiraxmaan Ciro Furi doona kaasi oo uu kaga dhawaaqi doono hirgalinta Caymiska noocyadiisa kala duwan