Ururka fadhigiisu Yahay Dalka Maraykanka ee AIPAC oo Siweyn Uga Dhex Muuqatay Arrimaha Aqoonsiga Somaliland.
December 31, 2025 - Written by admin
Ururka fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ee AIPAC aya si weyn uga dhex muuqatay arrimaha aqoonsiga Somaliland.
Ururkan oo loo soo gaabiyey ama u taagan Guddiga Arrimaha dadweynaha Isra’el ee gudaha Maraykanka waa urur u ololeeya Israel oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka. Waa qaabeeyaha iyo nashqadeeyaha siyaasadda Maraykanka iyo ilaalinta danaha Israel.
Waxa la asaasay sannadkii 1954-kii, si looga hor tago in Israel la kulanto wax jiritaankeeda halis gelin kara. Waxa xubno ka ah 5 Milyan oo ruux, waxayna xarumo ku leedahy 18 gobol oo ku yaalla dalka Maraykanka. Waxa ay bixiyaan dhaqaalaha ay ku ololeyaan madaxda qabta talada Maraykanka sida Xildhibaannada , madaxweyneyasha iyo xubnaha kale ee ku biira goleyaasha Marayanka.
Waxa lagu mideeyey aqoonyahanka, mufakirada, iyo gacansatada ka soo jeeda Isra’el si ay qayb uga qaataa korinta iyo kobcinta dawladda laga yagleelay gobolka bariga dhexe.
Dhammaanba madaxda Maraykanka ayaa ururkan ka dambaysa una aqoonsan in uu yahay mid tix gelin haysta, isaga oo jaan gooya siyaasadda Maraykanka ee arrimah dibaddda iyo qaabka loola macaamilayo Talbiib.
AIPAC iyo aqoonsiga Somaliland.
Shirkaddan u ololaysa arrimaha Israel waxa ay ka dhex muuqatay aqoonsiga Somaliland, waxayna baahisay qoraallo ay ku taageerayso aqoonsiga la siiyey Somaliland iyada oo soo dhowaysay tallaabadii jamhuuriyada Somaliland loogu ogolaaday dal madax bannaan.
Maxay Somalilanda ka faa’iidaysa AIPAC?
AIPAC waa urur xooggan oo lagu majeerto galaan galkiisa siyaasadda Maraykanka, in uu taageeray aqoonsiga Somaliland waa mid Jamhuuriyadda ka caawinaysa in ay si toos ah isu gaadhaan xafiisyada waaweyn ee dawladda Maraykanka iyo in Somaliland heshay Biriij isku xidha dawladda Somaliland iyo meelaha talada laga gooyo ee dalka Maraykanka. Saamayntoodu Maraykanka oo keli ah kuma koobna waxayse u gudubsan tahay dhinaca kale ee Canada iyo Yurub. Waxa kale oo ay saamayn ku lee yihiin dalalka Carabta. Waa qaabeyeyaal u shaqeeya qaab ilaalinaysa cid kasta oo la dan noqota Israel. Waana urur aad uga shaqeeyey xidhiidhada Carabta iyo Talbiib.