berberatoday.com
Idaacada BBC-da oo La Safatay Dawlada Xamar Xiisada Ka Dhalatay Citiraafka Somaliland Heshay
December 31, 2025 - Written by admin

Idaacada BBC-da laanteeda afsomaligu dhex maaha markasta waxay la safantahay Dawlada Xamar, Ilaa intii ay bilaabantay xiisada hurdada udiiday maamulka Tabcaanka ah ee Villa Somaliya kataliya ee Citiraafka Somaliland ka heshay dalka Israail, markasta waxay wareysiyo ka qaadayeen shaqsiyaad Taabacsan dawalada Xamar iyaga oo dad gaara oo la qorsheeyay doodo uqabanaayay kana ilaalinaayay dadka kasoo jeeda Somaliland inay kusoo casuumaan doodahaas ama Wareysiyadaas’waxa kaloo intaas dheer hal mar maysoo dayn barnaamij ku saabsan wixii dabaal dag Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ka dhacaayay ee lagu soo Dhawaynaayay Citiraaf ay Somaliland heshay halaka ay barnaamijyo badan ka Sameeyeen Mudaharadadii Xasan Sheekh beeshiisu soo abaabushay oo qeyboy yarayar oo Magaalada Muqdisho ah laga sameeyay waxaanay Bbc-du ka dhigayso Wax Belaayo ka dhacday oo dhul gariira halka ay Indhaha ka qarsatay dabaal dagyadii Dalka Somaliland Iyo Debediisaba ka qabsoomay ee ciidi dhaqaaqday.

Maaha markii uhoreysay ay Idaacadani sitoosa ugu xadgudubto Jiritaanka iyo xuquuqda dalnimo ee Somaliland waxay dhawr jeer Xukumadihii kala dambeeyay ee Somaliland shaqada ka joojiyeen Tiraba dhawr jeer ilaa intii loosoo wareejiyay Nairobi ay gacanta Ugashay shaqsiyaad aan waxa ka aqoon dhexdhexaadnimada warbaahinta caalamiga ah.

Idaacada BBC-da laanteeda Afsomaligu waxay kusoo celcelinaysay Khudbadii Xasan Sheekh ka Jeediyay baarlamaanka maamulkiisa xerada yar ugu xeraysan iyagoo si jees jeesa marba qeyb uga soo daynaayay,taasi waxay cadayn utahay inay idaacadani tahay cadaw d si badheedha dhinac uga ah Jiritaanka dalka iyo dadka Somaliland.

Idaacada BBC-du waxay ka talawdhexdhexaadnimadii warbaahinta caalamiga ah lagu yaqaanay iyagoo ubadheedhay inay ku gefaan jiritaanka Qaranka Somaliland iyo shacabkeeda;

Sidaas darteed waxa la gudboon Xukumada Somaliland sidii horeba Albaabada Laysugu dhuftay Tvga Universal oo Qaranimada Somaliland meel kaga dhacay in Idaacadan hada gacanta ugashay Shaqaalaha Xasan Sheekh in albaabada laysugu dhufto aanay ka shaqaynin guud ahaan deegaamada Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews