Ururka Suxufiyiinta Somalilanmd ee Solja oo Digniin Udiray Warbaahinta Somalida Koonfureed ee Wararka Ka Tabiya Gudaha Somaliland
January 24, 2026 - Written by admin
Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA waxa uu uga digayaa warbaahinta laga leeyahay Soomaaliya ee ka hawl-gasha Somaliland inaanay ku xadgudbin madax-bannaanida Somaliland, isla markaana aanay wararka iyo arrimaha Somaliland u gudbin si u adeegaysa aragti iyo dano ka baxsan xaqiiqada ka jirta Jamhuuriayadda Somaliland.
Ururku waxa uu caddeynayaa in aan la aqbali karin in warbaahin shisheeye ay Somaliland uga warranto qaab u ekaysiinaya ama u adeegaya sida ay Soomaaliya u aragto ama u jeceshahay, taas oo ah borobagaando iyo marin-habaabin si cad uga hor imanaysa anshaxa saxaafadda iyo madaxbannaanida warbaahinta iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee dib loo aqoonsaday.
Ururka SOLJA waxa uu ku adkaynayaa in haddii aan la ixtiraamin digniinta iyo talada ururka, isla markaana warbaahintaasi ay sii wadaan ku xad-gudubka Madax-bannaanida Somaliland iyo Shuruucda iyo xeerarka warbaahinta dalka Isla markaana aanay kusoo noqon Xayndaabka anshaxa iyo mas’uuliyadda saxaafadda, Ururka SOLJA waxa uu u arki doonaa in warbaahintaasi ay ka gudbeen xayndaabkii warbaahinta iyo shuruucda dalka u yaalla, isla markaana ay qaadeen waddo aan waafaqsanayn ka shaqaynta warbaahin xor ah oo mas’uul ah.
Ugu danbayn Ururka Saxaafadda Somaliland waxa uu mar kale ku celinayaa in cid kasta oo ka shaqaynaysa Somaliland ay waajib ku tahay inay ixtiraamto dalka, dadkiisa, shuruucdiisa iyo madax-bannaanidiisa, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee saxaafadda
