Dawlada Eriteria oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedaymo Uga Yimi Rausal Wasaaraha Itoobiya
February 4, 2026 - Written by admin
Dawladda Eritrea ayaa si adag u beenisay eedaymihii shalay uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Eritrea waxay sheegtay in xisbiga Prosperity Party oo talada dalka Itoobiya haya, uu ku hawlan yahay olole ka dhan ah Eritrea, isla markaana uu wado ajande ku salaysan faragelin lagu samaynayo madax-bannaanida Eritrea.
Sidoo kale, Eritrea waxay tilmaantay in hadalka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed aysan ka aamusi doonin, isla markaana aysan marnaba gorgortan ka gelaynin madax-bannaanideeda.
Waxay Eritrea intaas ku dartay in arrintaasi la xidhiidho damaca Itoobiya ee ah helidda marin badeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Eritrea ayaa sidaas lagu sheegay.