Xoghayihii Gaarka Ahaa ee Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mubaarig Taani Iyo Siyaasiyiin Uu Kujiro oo La Filayo Inay Xisbiga Kaah Ku Biiraan
February 10, 2026 - Written by admin
Madaxii hore ee Xafiiski Madaxweynihi hore ee JSL, Mubarak Ismaacil Cabdi (Mubarak Taani), iyo Siyaasiyiin ay isku aragti yihiin ayaa wada-hadaladii u socday Gudoomiyaha Xisbiga Kaah ay heer gebo-gabo ah marayaan.
Wada-hadalada ayaa u jeedkoodu yihiin inay ku biiran Xisbiga Kaah Mubarak Taani iyo Siyaasinta ay isku xulafada yihiin ee wehelinaya ayaana dhawaan si rasmi ah u shaacin doona ku biiristooda Xisbiga Kaah, marka ay wada-haladaasi u soo dhamaadan.