Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Ciro oo Dalka Kusoo Laabtay
February 12, 2026 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka dalka ku soo laabtay kaddib safar shaqo ee uu ku tegay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kaga qayb-galay Shirkii Dawladaha Adduunka ee ka qabsoomay magaalada Dubai.
Shirka Kulanka Dawladaha Adduunka oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb galay markii 2-aad oo xidhiidh ah, ayaa ahmiyad istiraatiijiyadeed oo muhiim ah u lahaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, maalgashiga, iskaashiga amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.