Maareyaha Haayadaha Dekedaha Somaliland oo Wareysiyo Siiyay Warbaahin Caalamiya oo Dekeda Berbera Booqasho Kuyimi
February 12, 2026 - Written by admin
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Cali Diiriye Axmed ayaa muddooyinkii u dambeeyay waraysiyo kala duwan siinayay warbaahinta caalamka, kadib aqoonsigii ay Somaliland ka heshay dawladda Israa’iil.
Warbaahinta caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haysa muhiimadda istaraatijiga ah ee Dekedda Berbera, taas oo ku taalla marin ganacsiyeedka Badda Cas, isla markaana door muhiim ah ka ciyaarta isu-socodka ganacsiga gobolka Geeska Afrika. Warbixino kala duwan ayaa laga diyaarinayaa horumarka dekedda, maalgashiga ka socda, iyo doorka ay ku yeelan karto isbeddellada siyaasadeed ee gobolka.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa waraysiyo siiyay saxafiyiin ka kala socday jariiradaha caalamiga ah ee Financial Times, Bloomberg, iyo NRC Handerbald, kuwaas oo su’aalo ka waydiiyay saamaynta aqoonsigu ku yeelan karo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah.
Maareeyuhu waxa uu sheegay in aqoonsigu uu Somaliland u furayo fursado cusub oo dhinaca iskaashiga caalamiga ah, maalgashiga, iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isaga oo xusay in Dekedda Berbera ay sii noqon doonto xarun ganacsi oo muhiim u ah gobolka iyo dunidaba.