Hogaamiyihii Nabada iyo Guulihii Muhiimka Ahaa ee Wasiir Cabdalle Mohamed Carab ka Gaadhay Gobolada Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland,Warbixin Ku Saabsan Safarka Shaqo ee Wasiirka.
February 15, 2026 - Written by admin
Hogaamiyihii Nabada iyo Guulihii Muhiimka Ahaa ee Wasiir Cabdalle Mohamed Carab ka Gaadhay Gobolada Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland,Warbixin Ku Saabsan Safarka Shaqo ee Wasiirka.
Wasiir Cabdalle Mohamed Carab ayaa safar shaqo ugu baxay Gobollada Galbeedka, halkaas oo uu u tagay xal u helidda colaado dhawaan dhex maray beelo walaalo ah oo ku kala sugan Gobollada Selel iyo Awdal.
Intii uu safarka ku maqnaa, Wasiirku waxa uu halkaas ka fuliyey hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
1. Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee
dirirtu dhex martay, isaga oo horseeday
wada-hadal iyo is-afgarad rasmi ah.
2. Saxeexa heshiis nabadeed, kaas oo ay
saxeexeen dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, iyo hoggaamiyeyaasha labada beelood.
3. Kala-diridda jabhadaha hubaysan ee labada beelood, si loo soo afjaro khataraha amni ee ka jiray deegaannada.
4 . Dib-u-celinta hantidii la kala dhacay, oo ay ku jireen gawaadhi iyo xoolo, taas oo Wasiirku u kala wareejiyey labada beelood si caddaalad ah.
5. Habaynta iyo kala-meelaynta Ciidamada
Qaranka, kuwaas oo loo diray goobo istiraatiiji ah oo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida gobolladaas.
6. Gargaarka dadka tabaalaysan, iyadoo Wasiirka iyo waftigiisu ay gaadhsiiyeen deeq raashin ah qoysaskii ku barakacay colaadaha.
Wasiir Cabdalle ayaa safarkaasi ku maqnaa 9 cisho, wuxuuna ka soo laabtay isagoo gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo, kuwaas oo horseeday nabad, xasillooni, iyo dib-u-soo-noqoshada kalsoonida Bulshada Deegaanadaasi.