Qorraa,Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Maalintii Lixaad Hargeysa Ugu Xidhan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland H
August 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Qoraagii Iyo Abwaankii Iyo Waliba Macalinka Lagu Magacaabo Siciid Maxamuud Gahayr ayaa maalintii Lixaad Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa ugu xidhan aragti uu qoraal ahaan ku soo bandhigay Musuq-maasuqa iyo kaddeedka ka jira Maddaarka Hargaysa iyo sida loo dulmiyay dadkii dan-yarta ahaa ee deegaankaas Ku Noolaa Xilli Ay Wararku Sheegayaan In Dhulkaas Oo Hore Dan Guud Loogu Sheegay Ay Hada Xukumadu Ka Iibinayso Ganacsato Caan Ah.
Siciid Maxamuud Gahayr waa Barre wax ka dhiga Dugsiyadda sarre ee Hargaysa, Waa Halabuur, waana Qorraa iyo Cilmi-baadhe xeel-dheer oo wax badan soo bandhiga, waxaannu si dhiirran oo hufan shiishka u saarraa hadba dhaliisha iyo galdaloolooyinka ay Xukuumadda siilaanyo leeddahay iyo sida loogu tumanaayo shacabka dan-yarta ah.
Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu toddobaadkii hore ee inna dhaafay
qallinka u qaatay Dhaliilo door ah oo is-barkan Oo dul hogannaaya Madaarka Hargaysa, waxaannu daaha ka rogay gacanta uu ku leeyahay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo shirkaddo ganacsi u samaystay Hantida ummada danyarta ah iyo sida aannay jirin cid uga naxda hoosna u eegta Duruufaha Ku Gadaaman, waxaanna taasi keentay in Wasiir Maxamuud Xaashi uu ka gubto dhaliilahaa loo jeeddiyay, isla markaanna waxa uu amar ku bixiyay in la xidho Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo hadda maalintii lixaad u xidhan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.