berberatoday.com
“Dawladda miyaan laga gar helin karin garsoorka hortiisa? Mar walba ma sida ay iyadu rabto ayay ku dhamaanaysaa xitaa haddii laga gar helo?” Guleed Dafa
March 14, 2026 - Written by admin
“Dawladda miyaan laga gar helin karin garsoorka hortiisa? Mar walba ma sida ay iyadu rabto ayay ku dhamaanaysaa xitaa haddii laga gar helo?”
Guleed Dafac
Xukuumadda waxa la gudboon inay iska sii dayso Ubax Cabdiraxmaan. Xadhiga ku haynteeda faa’iido siyaasadeed iyo mid sharci toonni kuma jiraan.
Maxkamaddu marka ay soo saarto xukun, dhinacyada dacwaddu way ku qanci karaan xukunka ama kuma qanci karaan. Dhinaca ku qanci waaya waxa u furan inuu uga rafcaan qaato maxkamadda ka saraysa isaga oo u sababaynaya hanaan ku dhisan xeerka.
Arinka Ubax Cabdiraxamaan maaha mid khuseeya rafcaan. Waa mid ku saabsan xaqsoorka dacwadaha (fair trial) oo ah hanaan dastuurku jideeyey, una ah rukun Xeerka Habka Ciqaabta iyo xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Habraacasi waxa uu yahay garsoorihii dacwadda hayay waxa uu bixiyay amar sii dayn. Garsooruhu dabcan sii dayntiisa kuma sallayn dembi ku waayis (acquittal) balse waxa uu ugu bedelay, ciqaabtii xadhiga ahayd, ganaax. Falkaas oo ah mid uu ikhtiyaar u leeyahay garsooruhu.
Markii garsoorihii dacwadda hayay sii daayay, halkii amarkaas laga fullin lahaa, ileyn waa amar garsoore dacwadda qaaday e, garsoore jooga rafcaanka oo aan isagu qaadin garta, ayaa buriyay amarkiisii oo amray in xabsiga lagu hayo. Arinkani dhawr qalad oo waawayn ayaa ku jira. Balse inta aanan u daadegin, aan xasuusiyo dadka in aanay ahayn markii u horaysay ee sidan ka dhacdo Somaliland. Waa se caado aad u qaldan oo waxyeello ku ah kalsoonida garsoorka. Aan ku tusaaleeyo, haddii Ubax maxkamadu aanay u bedeli lahayn xadhigeeda ganaax oo ay rafcaan ka qaadan lahayd, garsooraha Maxkamadda Rafcaanku isla maalintii ba ma sii dayn lahaa oo ma odhan lahaa inta rafcaanku dhamanaayo debedda ha joogto? Waa maya. Marka dawladda miyaan laga gar helin karin garsoorka hortiisa? Mar walba ma sida ay iyadu rabto ayay ku dhamaanaysaa xitaa haddii laga gar helo?
Xukuumadda waxa la gudboon inay iska sii dayso Ubax Cabdiraxmaan. Xadhiga ku haynteeda faa’iido siyaasadeed iyo mid sharci toonni kuma jiraan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews