berberatoday.com
Dawlada Netherland oo Balaayiin Dollar Ah Ku Maalgalinayso Jamhuuriyada Somaliland
March 30, 2026 - Written by admin
Warbixin uu baahiyey kanaalka Horn Lens ayaa lagu sheegay in dowladda Netherland ay maalgelin gaadheysa balaayiin doolar ku samaynayso Jamhuuriyadda Somaliland, xilli tartanka caalamiga ah ee tamarta nadiifta ah uu si xawli ah u socdo.
Warbixinta ayaa tilmaantay in dalka Netherlands uu si deggan isugu diyaarinayo badhtamaha isbeddel istiraatiiji ah, isla markaana uu maalgelinayo kaabeyaasha, dekedaha, iyo silsiladaha sahayda hydrogen-ka ee Somaliland.
Warbixinta oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan ayaa sidoo kale xustay in tallaabadan aanay ahayn mashruuc tijaabo ah, balse ay tahay ballanqaad buuxa oo loogu talagalay in Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera laga dhigo albaabka tamarta hydrogenta oo heer caalami ah, kaas oo ka faa’iideysanaya awooda qorraxda iyo dabaysha Somaliland si tamarta laga dhaliyo hydrogen loogu dhoofiyo Yurub.
Warbixinta Horn Lens ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay awood aad u weyn oo dhinaca qorraxda iyo dabaysha ah, isla markaana ku taallo goob istiraatiiji ah oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasina ay tahay sababta ugu weyn kordhiyay xiisaha dalalka Yurub ee Somaliland. Waxa kale oo lagu xusay in Somaliland ay sidoo kale ku tallaabsatay horumar ballaadhan oo dekedda Berbera ah, taas oo isu muujinaysa xarun awood u leh dhoofinta tamarta cagaaran “green hydrogen” ee loo suuqgeeyo Yurub.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in tallaabadan ay qaaday dawladda Netherland aanay kaliya ahayn arrin la xidhiidha tamar, balse ay tahay arrin ku saabsan Amniga tamarta Yurub ee muddada dheer, doo bixitaanka marinnada cusub ee juqraafi-siyaasadeed, Tartanka caalamiga ah ee Badda Cas iyo soo ifbista istiraatiijiyada Somaliland oo aan la isaga indho-tirikrin oo hadda noqda ciyaartoy caalami ah.
Horn Lens ayaa intaa ku dartay: “Muuqaalkan, waxaan ku falanqaynaynaa istiraatiijiyadda dhabta ah, khataraha jira, iyo saamaynta caalamiga ah ee ka dambaysa xiisaha sii kordhaya ee Yurub u qabto Somaliland. Iskaashigani wuxuu ku saabsan yahay ka faa’iidaysiga qorraxda iyo dabaysha Afrika si loo shido warshadaha Yurub, isla markaana Somaliland ay uga faa’iideysato juqraafiyaddeeda iyo madax-bannaanida dhaqaale.”
Warbixintan ayaa si weyn u falanqaysay xiisaha sii kordhaya ee waddamada Yurub ee la xidhiidha Somaliland, waxaana lagu yuidhi “Muuqaalkan, waxaynu ku falanqaynaynaa istiraatiijiyadda dhabta ah iyo saamaynta caalamiga ah ee ka dambaysa xiisaha sii kordhaya ee Yurub u qabto Somaliland.
Nidaamkii tamarta ee hore ayaa sii yaraanaya, waxaana lagu beddelay tartan lagu xakamaynayo kheyraadka tamarta la cusboonaysiin. Iskaashigani wuxuu ku saabsan yahay ka faa’iidaysiga qorraxda iyo dabaysha Afrika si loo shido warshadaha Yurub iyo Somaliland oo ka faa’iidaysanaysa muhiimadeeda juqraafi iyo madaxbannaanida dhaqaale.”
Warbixinta ayaa intaasi raacisay “Kani waa bilowgii cutub cusub oo tamar caalami ah. Kala-guurka cagaaran ee Yurub waa tartan ka dhan ah waqtiga, iyada oo haydarojiinta cagaaran ay tahay shidaalka ay sida ba’an ugu baahan tahay Yurub. Warshadaha culus sida birta iyo kiimikada, kuwaas oo aan ka maarmin hydrogen si loo yareeyo qiiqa kaarboonka. Wax soo saarka Yurub ayaa si weyn uga hooseeya baahida, taasoo muujinaysa in loo baahan yahay sahay caalami ah oo cusub.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews