Maamulka Putland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Aqoonsiga Oo Madaxweynaha Xamar Siiyay Maamulka Laascaanood
April 18, 2026 - Written by admin
Puntland ayaa sheegtey in aqoonsiga Dowladda Federaalku siisey maamulka Woqooyi-bari aan waxba ka jirin, iyada oo Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Najiib Barkhadle uu yidhi: “Xasan Shiikh wuxuu dadkaas [WB] u sheegey aqoonsi maaha, wax-ka-jirana ma leh, yaan dadka cidla lagu go’ doomin, nimanka Laascaanood joogana waxaan leeyahay dadka dadkooda haka fogaynina, beenna haku maaweelinina… dad badan runta wey ogaadeen imminka.”
