Dab ka Kacay Hutel Caasimada Hindiya Ee Delhi oo Dad Kaloo Somaliyi Ku Jirtaana Ku Dhinteen Kuwo Kalena Ku Dhaawacmeen
June 3, 2026 - Written by admin
Ugu yaraan 6 qof oo Soomaali ah ayaa lasheegay inay waxyeello ka soo gaadhay dab qabsaday hoteelka Flourish Stay B&B, oo ku yaalla xaafadda isku raranta ah ee Hauz Rani ee koonfurta caasimadda Hindiya ee Delhi, halkaa oo 21 qof ay ku geeriyoodeen. Waxaana dadkan la sheegay inay howlo caafimaad u joogeen Hindiya.
Booliiska Delhi ayaa waxyar ka hor shaaciyay in lasoo qabtay lana Xidhay milkiilaha hoteelka uu dabka qabsaday oo magaciisa lagu sheegay Lavkesh Bajaj, kaasoo la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado. Dabkan waxaa sidoo kale laga soo badbaadiyay 58 qof oo inta badan isbitaallada loo dhigay dhaawacyo soo gaadhay.
Baadhitaanka hordhaca ah oo la sameeyay ayaa muujiyay Hoteelkan aanu lahayn wax nidaam dab damis ah oo dabka lagula dagaalamo, sidoo kalena goobta cadhiidhiga ah ee uu ku yaal ay ka dhalatay in si dhaqso ah aanay 0\kooxaha dab damiska ugaadhin.
Bulshada Soomaaliyeed ee caafimaadka u tagaya Hindiya , waxaa mudnaan leh inay hubiyaan goobaha ay deggayaan oo ay ka fogaadaan xaafadaha cidhiidhiga ah iyo kuwa isku raranka ah ee aan lahayd adeegyo bulsho oo masiibooyina laga gaboodsan karo