“Madaxwaynaha Waxa La Gudboon Inuu Xakameeyo Wasiiradiisa Oo Aan Awooddiisa Cid Kale Adeegsan Isaga Oo Soo Taagan.”Garyaqaan Guuled Dafac
June 13, 2026 - Written by admin
“Waxa aan ogaaday inay jiraan dhawr qof oo looga yeedhay marar kala duwan saldhig Booliis (gaar ahaan CID) kadib hadal ay baraha bulshada ku qoreen, gaar ahaan hadallo khuseeya Wasiirka Madaxtooyada. Waa arin ah cago-juglayn.
Ciddii looga yeedho CID hadal ay jeediyeen ama qoreen darteed, fadlan marka laguu yeedho ila soo socodsii. Waxa aynu iska kaashanaynaa inaad heshid qareen iyo in shacabku ogaado cago-juglaynta. Awooodda shacabka ayaa leh.
Madaxwaynaha waxa la gudboon inuu xakameeyo wasiiradiisa oo aan awooddiisa cid kale adeegsan isaga oo soo taagan.” Dr Guled Dafac