Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Cabdalle Maxamed Carab Oo Sheegay In Haayadaha Amaanka Dalka Heegan Buuxa Ku Jiraan
June 17, 2026 - Written by admin
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somaliland Cabdalle Maxamed Carab ayaa shaaciyay in Hay’adaha Amniga Qaranka Somaliland ay heegan buuxa ku jiraan oo ay xoojiyeen tallaabooyinka lagu sugayo amniga Qaranka.
Wasiirka ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay in xilligan iyo marxaladda cusub ee Somaliland gashay ay si buuxda uga qayb qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ugu danbayn Wasiir Cabdala Maxamed Carab waxa uu u sheegay golaha Wasiirada in amniga dalku sugan yahay guud ahaantiiba wax qalalaase ama amni darro ahina aanay ka jirin.