Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska JSL oo Soo Saartay Wareegto Lagu Maamulayo Wakiilnimada Gaarka Ah Ee Summadaha Ganacsiga (Sole Agency on Trademarks)
June 22, 2026 - Written by admin
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xassan Nuur, ayaa soo saaray Wareegto Wasiir oo ku saabsan Diiwaangelinta Wakiilnimada Gaarka ah ee Summadaha Ganacsiga (Registration of Sole Agency on Trademarks).
Wareegtadan Wasiir ayaa loogu talagalay in lagu maamulo diiwaangelinta iyo dhammaan hawlaha la xidhiidha wakiilnimada gaarka ah ee summadaha ganacsiga, iyadoo sidoo kale ujeeddadeedu tahay dhiirrigelinta ganacsatada reer Somaliland, xoojinta nidaamka ganacsiga dalka, iyo ilaalinta danta guud ee bulshada.
Wareegtadan ayaa lasoo saaray 20 June 2026, waxayna si rasmi ah u dhaqan gashay isla taariikhdaas.
Wareegtadan ayaa xambaarsanayd shuruudaha looga baahanyahay diiwaangelinta wakiilnimada gaarka ah ee summadaha ganacsi iyo sidoo kale badeecadaha iyo waxyaabaha ay reebbantahay in cid gaar ah loogu xidho.
Tallaabadan ay Wasaaraddu qaaday ayaa la filayaa inay si fiican u nidaamindoonto arrimaha la xidhiidha wakiilnimada gaarka ee summadaha ganacsiga oo marar badan cabashooyin ganacsatada dhexdooda iyo bulshadaba ay ka iman jireen.