Kaftanka Reer Burco W/Q: Cali Cabdi Coomay
June 24, 2026 - Written by admin
Sannadkii 1970, sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii uu xukunka xoog ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre, ayuu khudbad ka jeediyey fagaare ku yaalay Muqdisho, isaga oo khudbadii ku guda jira, ayey fagaarihii yimaadeen niman reer Burco ahi, ka dib markaasay yidhaaheen” haja waar ma kan afka weyn ayaa meesha qabsaday?, waar kani waa afweyne”. Dabadeed warkii ayaa Maxamed Siyaad loo geeyey, markaasuu yidhi” Iimanka laga qaad, maxaa afkayga tusay, meeshaba sannad ayaan joogaye?
= Wakhtiyadii dawladii Maxamed Siyaad waxa Hargaysa badhasaab ka noqday nin la odhan jiray Af-gaab. Ninkani markuu dadka u khudbadaynayo wuxuu halhays u lahaa” Ma ila socotaa”, markaasay dadkuna ka daba odhan jireen “ Haa”, muddo ka dib ayaa Burco loo beddelay Af-gaab, markaasuu u khudbadeeyey reer Burco oo fagaare badhtamaha magaalada ka hadlay, sidii caadada u ahayd ayuu yidhi” Ma ila socotaa”, markaasay reer Burco yidhaaheen “ waanu kaa horraynaa”
= Sannadkii 1986 oo xaalada waqooyi (Soomaalilaanta maanta) meel halisa marayso oo SNM ay xoogaysatay oo habeenkii ay magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo Gabiley ka geysan jireen weeraro qorshaysan, ayey niman dhallinyaro ahi wakhti fiid ah wax ku wada akhrisanayeen guri ku yaala badhtamaha magaalada Burco daaradiisa, dhallinyaradu waxa ay ku jiraan imtixaankii dugsiyada, guriguna waa kuwii hore, waana mid kooban oo waxa isu dhaw daarada, madbakha iyo suuliga.
Mid ka mid ah dhallinyaradii ayaa caloosha laga qabtay, markaasuu suuliga galay, dabadeed waxa suuligii ka soo baxday shanqadh badan, show islaan ku jirtay madbakha ayaa u adkaysan weyday shanqadha suuliga, ka dib iyada oo u duur xulaysa wiilka suuliga ku jira ayey ka soo baxday madbakhii markaasay kuwii kale ee daarada wax ku akhrisanayey ku tidhi” waar hooyo halkay xabbadu ka dhacaysaa?”, iyana may fahmin oo waxa ay ugu afceliyeen mooyi.