berberatoday.com
Somaliland Oo Fariin Hanjabaada Udirtay Masuuliyiinta Ka Socda Maamulka Puntland Ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa fariin digniin ah u dirtay cidkasta oo isku dayda inay waxyeelayso diwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland ee ka socota Gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu sheegay inay uga digayaan dhamaan shacabka Somaliland iyo masuuliyiinta Maamulka Puntland inay faro galiyaan diwaangalinta Codbixiyaha.

“ Arrimaha diwaangalintu waxaa arrin qaran oo laga gaban maayo, cidkasta oo isku dayda inay faro galiso talaabo aanay fileyn ayaa laga qaadayaa, horena waanu uga qaadnay kuwii faro galiyay oo waanu xidhxidhnay”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Wasiir ku xigeenka Amniga waxaa uu sheegay in haddii maamulka Puntland isku dayaan inay fargaliyaan diwaangalinta ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Wasiirro iyo ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo qulqulayay magaalada Buuhoodle oo diwaangalinta Codbixiyaha Somaliland ka socoto iyagoo sheegay inay kasoo horjeedaan oo ay khalkhal galin doonaan Diwaangalinta ka bilaabantay Magaalada Buuhoodle.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews