Loolan Adag Aan Waxba Laysula Hadhin oo Ka Taagan Kursiga Mayernimada Berbera.
July 14, 2026 - Written by admin
Loolan Adag Aan Waxba Laysula Hadhin oo Ka Taagan Kursiga Mayernimada Berbera.
Xildhibaan Maxamed Dable oo garab taageero ah ka helaya Xukumada Madaxweyne Ciro ayaa la sheegayaa Inuu haysto aqlabiyada xubnaha golaha Deegaanka Berbera oo ah Ilaa 7 Xildhibaan Halka Garabka uu hogaaminayo Maayer Cabdishakuur Cidina la sheegayo inuu haysto ilaa 5 Xildhibaan, Xubin kamida golaha ayaan Ilaa Hadda La garan Geesta Uu Lasocdo.
Dhamaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Hargeysa ayay Caawa Kusugan Yahiin Iyagoo Ilaa Hadda Uu Shirar kala gooniyi Uga Socdo dhinacyadan Hutaalada Hargeysa.
Geesta Mayer kuxigeenka Degmada Berbera Nuur Cadde ayaa qoraal iyo sawir uu soo qoray sheeganaya inay Soo rogaal celinayaan isaga iyo Saaxiibkii Mayer Cidin ciyaartuna ay galin dambe Isbedeli doonto.
Baashe Cabdillahi Yacquub ayaa isaguna u Ordaaya kuxigeenka Mayer kuxigeenka Degmada Berbera waxaanu kamid yahay garabka Maxamed Dable hogaaminayo.
War kaloo rasmiya aan helay ayaa sheegaya in Waraaqada dalabka fadhiga aan caadiga ahayn Loo gudbiyay Wasaarada Dawlada Hoose Wasiirkuna uu aqbalay qalinka ku duugay inuu Fadhigaasi qabsoomo inkastoo aan wakhtiga la Cayimin.
Markasta shaxda kaanbaynku waa isbedeli kartaaye halkan nagala soco.