Dawlada Turkiga oo 9 Dawladood Oo Afrikana U Ogolaatay Inay Fiisaha Kasoo Dalban Karaan Internet, Somaliya Kuma Jirto Dalalkaas
July 16, 2026 - Written by admin
Dowladda Turkiga oo fududaysay dal-ku-galka (Visa) dalkeeda ayaa Afrika u furtay keliya sagaal waddan, kuwaa oo dal-ku-galka dalkaas ka dalban kara dhinaca Internet-ka (E-visa).
Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee eVisa ee Turki, sagaalka waddan ee Afrikaanka ah ee muwaadiniintoodu u qalmaan eVisa waa: Aljeeriya,Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Mauritius, Namibiya, Senegal & Koonfur Afrika.
Muwaadiniinta kale ee qaaradda oo ay ku jirto Soomaaliya oo saaxiib dhow la ah Ankara laguma soo darin kuwa u qalma e-visa Turkiga waxayna u baahan doonaan in dal-ku-galka dalkaas ka codsadaan safaaradaha dalalkaas oo aan si fudud ku bixin.